B/weyne:Daawo Sawirada Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo dil toogasho ah Fulisay

34Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in Maxkamada ciidamada Qalabka sida ayaa maanta dil toogasho ah ku filaysay gacan ku dhiigle magaalada Beledweyn hore ugu dilay nabaddoon si weyn looga yaqaanay gobolka Hiiraan.

Falka Toogashadaha ah ayaa ka dhacay meel Fagaaro ah.

Afhayeenka maxkamada ciidamada Qalabka sida G/Sare C/llaahi Muuse Keyse ayaa warbaahinta  uga waramay xukunka ay maxkamaddu ku ridday dambiilahaasi iyo dilka ay maanta ku fulisayba, isagoo sheegay in maanta ay maxkamadu fulisay xukunkii dilka ahaa ee ay ku ridday Muqtaar Xasan Maxamed.

‘’Eedeysanaha wuxuu ka tirsanaa Shabaab magaciisana waxaa la yiraa Muqtaar Xasan Maxamed 18 Jir ahaa ina Xaawo Macalin Isaaq,  kuna dhashay Baydhabo degaana Beydhabo  eedeysanaahsi waxaa la soo qabtay 27.11. 2012 isagoo fal dil ah oo bareer ah ka geystay G/Hiiraan,  una geystay Allaha u naxariistee Muxumad Xuseen Cabdi oo loo yaqaanay Marya Cadde, eedeysanaahsi markii maxkamada la horkeenay 7. 2. 2013 ayaa xukunkiisu soo baxay,  isagoo qirtay in uu yahay dambiilaha gacan ku dhiiglaha ah ee dilay marxuum Maryacadde’’sidaasi waxaa yiri Afhayeenka Maxkamada Ciidamada Qalabka sida G/Sare C/llaahi Muuse Keyse.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa xukunkaasi ridday  7. 2. 2013-ki waxaana la fuliyay xukunka maxkamada maanta oo ah 8.5.2013 wuxuuna  Afhayeenku uga digay dhalinyarada la marin habaabiyay dilalka dadka an waxba galabsan,  isagoo ku gooddiyay in maxkamaddu aysan ka baaqsan doonin xukunka gacan ku dhiiglayaasha Shabaab.

43 24 14

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here