B/weyne:Dadka Udhimanaya Cudurka Shuban Biyoodka oo sii kordhaya

Wararka ka’imaanayamagaalada b/weyne ayaa ku waramaya in ay sii kordhayaan dadka u dhimanaya cudurka shuban biyoodka oo maalmihii u danbeeyay halkaas ka dilaacay.

Kudhawaad 16 qof oo u badan Caruur ayaa la ogyahay ineey u dhinteen Xanuunkan, tan iyo Sabtidii lasoo dhaafay, tobanaan kalena waxay u jiifaan Isbitaalada.

Bukaanada uu soo ritay Cudurka shuban biyoodka ayaa hada tiradooda sare u kacday sida laga helayo saraakiisha Caafimaadka, ilaa iyo 54 bukaan ah iyo 16 dhimasho ah ayaa la diiwaan galiyay mudo kayar 15 cesho, sida uu xalay warbaahinta u sheegay agaasimaha isbitaalka magaalada B.weyne Axmed Maxamed Khaliif.

“Xaalada Cudurka shuban biyoodka waxa uu soo ritay dad gaaraya ilaa iyo 52 ruux, haatan waxaa xaruunta dadkaas loogu talagalay jiifa ilaa 25 ruux, waxaana raystay ilaa 28 ruux, oo cudurka ka bogsooday” ayuu yiri agaasimaha isbitaalka B/weyne.

Bukaanka ayaa intooda badan geeriyooday kahor intaan isbitaalka lasoo gaarsiin, sida ay sheegeyso hooyo caruur yar oo ay dhashay isbitaalka ugu dhintay Xaafada Buunda-weyn ee magaalada B/weyne.

Meelaha ugu daran ee uu cudurka shubnaka ka dilacay waa xeryaha qaxootiga,  iyadoo dadka halkaas ku noolna ay yihiin kuwa ugu nugul ee uu soo rito cudurkaan, maadaama aysan hasyan biyo nadiif ah iyo raashin.

Barakacayaasha aya dhankodoa codsaday in laga caawiyo helitaanka biyo nadiif ah, maadaama cudurka shubanka uu kajiro xerooyinka ay daganyihiin.

“Waxa hada noo daran baco aan ku hoyano iyo biyo nadiif ah” ayay tiri hooyo Soomaaliyeed oo kamid ah qaxootiga ku nool xeryaha B/weyne.

Agaasimaha isbitaalka B/weyne Axmed Maxamed Khaliif, ayaa ugu danbeyntii sheegay in isbitaalka ay ku adagtahay maareynta bukaanka uu cudurka shuban biyoodka soo ridanayo, maadaama aysan jirin hay’ad isbitaalka caawineysa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here