B/weyne oo laga baadi goobayo kooxihii dilay Afhayeenkii odoyaasha dhaqanka Hiiraan

Xili ay xalay kooxo hubeysan magalaada B/weyne ku dileen Afhayeenkii Odoyaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan Nabadoon Xuseen Cilmi, ayaa saakay waxaa magaalada kasocda baaritaano xoogan oo lagu baadi goobayo kooxahaas.

Dilka loo geystay afhayeenka ayaa waxaa canbaareeyay Bulshada qaybaheeda kala duwan ee ku nool magaalada B/weyne iyo odoyaasha dhaqanka, waxaana Odoyaasha ay DFS ugu baaqeen ineey wax ka qabato dilalkaan kusoo laab laabanaya magaalada B/weyne.

Ciidamada Booliska ee magaalada ayaa lagu soo waramayaa ineey saakay wadaan baaritaano xoogan oo lagu baadi goobayo kooxihi ka danbeeyay dilka Nabadoonka.

Ciidamada amaanka B/weyne ayaa horay ugu guuleystay ineey gacanta kusoo dhigaan rag katirsan Al-shabaab oo dilal kala duwan iyo qaraxyo ka gaystay magaalada, waxaana ugu danbeeyay shalay oo ay Ciidamada Booliska soo bandhigeen nin la sheegay inuu ka danbeeyay dil maalmo kahor loo gaystay Gudoomiye ku xigeenkii Maxkamada B/weyne.

Shalay galab ayay ahayd markii niman ku hubeysan biskoolado ay bartamaha magaalada Beledweyne ku toogtay Nabadoon Xuseen Cilmi Ibraahim oo ahaa afhayeenka odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here