Buuq weyn oo hareeyey dacwad lagu soo oogay ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Qaranka

Buuq weyn ayaa hareeyey dacwad ay maanta Maxkamada Sare ksuoo oogtay Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Qaranka Cali Maxamed Yusuf (Cali Yare), iyadoo ay arintaana ka hadleen Cali Yare iyo gudoomiyaha Maxkamada Sare.

Warqad kasoo baxday xafiiska gudoomiyaha Maxkamada Sare ayaa lagu amray ciidanka booliska iyo kuwa nabadsugida in ay soo qabtaan Mr. Cali Yare oo lagu soo oogay dacwado kala duwan oo ay ugu weyntahay inuu lunsaday lacago dhan $100,000 (Boqol kun oo doolar).

Cali Yare oo wareysi siiyey BBC-da ayaa sheegay in dacwadahan lagu soo oogay ay yihiin kuwo been abuur ah oo uu soo abaabulay gudoomiyaha Maxkamada Sare Abuukaate Caydiid Ilkaxanaf.
“Arintaan waxaa buun buuninaya Caydiid Ilkaxanaf, marka halkaan dowlad ayaa ka jirta waxaana la raacayaa sharci marka qofkuu doono ayuu xerayaa Ilkaxanaf marka waxa waaye ninkaan mar walbaa sharciga ayuu baalmaraa,” ayuu yiri.

Isaga oo hadalkiisa sii wataa Cali Yare ayuu sheegay in hadii lasoo xirayo uu ogolaadaa Wasiirka Cadaalada kadibna uu madaxweynaha saxiixaa.

“Wuxuu sheegay in warqada lagu soo xirayo waa in loo gudbiyo wasiirka cadaalada kadibna waa inuu ogolaadaa madaxweynaha oo uu soo saaraa digareeto, taasi ayaa sharci ah,” ayuu warkiisa kusoo gaba gabeeyey Cali yare.

Dhanka kale Gudoomiyaha Maxkamada Sare Caydiid Ilakaxanaf ayaa ka hadlay warka kasoo baxay Cali Yare ee ah inuu isaga ka danbeeyo warqada loo soo jaray ee ah in lagu soo xiro.

“Adeer ninkaan Cali Yare wuxuu ahaa shaqaalaheyga gudiga sare ee Xeer Ilaalinta ayuuna ka tirsanaa waxna kuma heysto, laakin sharciga ayaa heysto, waxaa lagu heystaa 100,000 oo doolar oo gabadh loo heystay, gabadhaasi isaga ayaa mar damiintay waa lasoo xiray hadana racfaan ayuu u qaaday, marka xasaanadi waan ka qaadnay si dacwadi loogu qaado,” ayuu yiri Ilkaxanaf.

Dacwadiisa ayay maxkamadu sheegtay in ay ka bilaaban doonto magaalada Muqdisho 5-ta bisha June ee soo aadan.

Labadan nin ayaa bilooyinki ugu danbeeyey hadalo kul kulul isu marsiinayey warbaahinta, iyadoo horaanti bishaan ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Cali Yare uu amray in lasoo xiro Abuukaate Caydiid Ilka Xanaf marka uu kasoo dago garoonka diyaaradaha xilli uu ku maqnaa dibada, hase yeeshee warkaasi cidna waxba kama aysan soo qaadin.

Haatan waxa indhaha lagu hayaa ayaa ah, sida uu u fuli doono warqadi kasoo baxday maanta gudoomiyaha Maxkamada Sare ee lagu soo xirayo Dr. Cali Yare.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.