Buula-burde:Al-shabaab oo goordhow toogtay Gabar dhalinyaro ah

Wararka naga soo gaaraya magaalada Buula-burde ee gobolka Hiiraan, ayaa ku sheegaya in shababka halkaas xukuma, ay goordhow dil toogasho ah ku fuliyeen gabar dhalinyaro ah, oo sida la sheegay ay kala dageen gaari.

Goob joogayaal diiday in magacooda lasoo xigto ayaa sheegaya in Al-shabaab gabadhaas ay ku eedeeyeen iney jaajuus u tahay doowlada Federaalka Soomaaliya, laakiin ma aysan soo bandhigin cadeeymo muujinaya waxa ay ku eedeeyeen.

Gabadha la toogtay ayaa sida la sheegay ahay gabar aad u da’ yar, laguna qiyaasay 18-20 jir.

Ma ahan markii ugu horeysay ee ay Al-shabaab dil toogasho ah ku fuliyaan gabdho Soomaaliyeed, iyadoo sidaanoo kale isla gobolka Hiiraan, gaar ahaan xaruuntiisa B/weyne ay ku dileen laba gabdhood oo dhalinyaro ahaa, xiligii ay halkaas ka talinayeen.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here