Buug ka sheekeeynaya Bilicda iyo Taariikhda Muqdisho oo maanta lasoo bandhigay

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay bug ka sheekeeynaya bilicda iyo taariikhda magaalada Muqdisho, buugaan ayaa loogu magac daray “Muqdisho shalay iyo maanta”.

Soo bandhiga Buuggan waxaa goob joog ka ahaa wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Mahdi Maxamed Cali, wasiirka Qeyraadka, C/risaaq Cumar Maxamed, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Buugani oo ay qoreen qorayaal Ajaanib ah una dhashay dalka Kenya ayaa ujeedkiisu ah sidii dadka Soomaalida ah ay u fahmilahaayeen ahmida ay leedahay dib u soo nooleynta bilicdii Caasimada dalka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in bandhiga buuggan ay dhowr magaalo oo caalamka ah ay ka dhaceen isagooo ugu mahad celiyey qorayaashii qaaday talaabadan.

Ismaaciil Daahir Cismaan, oo ah qoraha buugaan, ayaa sheegay in uu qoray sanadkii 2011, sidoo kale waxa uu sheegay in gabar wariye ah laguna magacaabo “Raasna Waraa” ay kala qayb qaadatay.

“Buugaan waxaa qoray, anigoo Ismaaciil Daahir Cusmaan ah, waxaana la qoray sanadkii 2011, waxaana igala qayb qaatay gabar layiraahdo Raasna Waraa oo wariye ah islamarkaasna dagan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyo nin aan saaxiibo nahay oo ahaa agaasimihii hore ee Matxafka Maxamuud Diiriyoos” sidaa waxaa yiri qoraha buugaan Ismaaciil Daahir  Cismaan.

Buugaan, ayaa waxa uu ka koobanyahay Taariikhda magaalada Muqdisho 750-kii sano ee lasoo dhaafay, iyo marxalidihii kala duwanaa ee ay soo martay, sidookale buugaan waxaa ku xusan in magaalada Muqdisho ay tahay magaalo qadiimi ah, Taariikhna ku leh qaarada Afrika sida Qahira iyo Johansberg iyo magaalada Stanbul oo Muqdisho xiriir la lahayd sanadkii 1301 markii la dhisay masaajidka C/casiis.

Sidoo kale buugaan waxaa ku xusan in magaalada Muqdisho ay kamid tahay magaalooyinka faraku tiriska ah ee jira in kabadan Kun sano iyo wax kabadan, gaar ahaan qaarada Afrika.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here