Burundi oo Ciidamo dheeraad ah usoo direysa Soomaaliya

Ciidamo hor leh oo ka socda wadanka Burundi oo Soomaaliya loo soo diri doono, ayaa tababar loogu soo gaba gabeeyay Xero ku taala wadanka Burundi.

Warbaahinta dalka Burundi ayaa baahisay, in cutubyo ka tirsan Ciidamada Burundi oo qorshuhu yahay in dhawaan Soomaaliya loo soo daabulo, ayaa tababar ku sabsan waxa reer galbeedka ugu yeeraan Aragagixisada, waxaa lagu siiyay xerada la yiraahdo “Burumata” oo dhowr KM u jirta caasimada wadankaas ee Bujunbuura.

Saraakiil gaar ah, kana tirsan Ciidamada badda Mareeykanka, ayaa mudo dhowr todobaad ah ciidamadan tababar ku siinayay gudaha dalka Burundi, sida laga soo xigtay warbaahinta dalkaas.

Mid kamid ah Saraakiisha Mareeykanka, ee tababarkaan bixinayay ayaa sheegay in Ciidamadaan la baray cashiro la xiriira ku dagaalanka dhulka baadiyaha ah iyo howdka, iyo sidii ay uga fogaan lahaayeen in dadka shacabka ah uu khasaaro soo gaaro xiliyada ay dagaalada socdaan.

Wasaarada gaashaandhiga Burundi, aya war kasoo baxay waxaa lagu sheegay in dhawaan Ciidamadan ay Soomaaliya kusoo wajahanyihiin, laguna Xoojin doono Ciidamada AMSIOM ee hada ka howlgala gudaha Soomaaliya.

Doowlada Burundi, ayaa ahayd doowladii 2aad ee Ciidamo usoo dirta dhulka Soomaaliya, si ay qayb uga noqdaan howlgalka AMSIOM, ee lagula dagaalamayo Al-shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here