Burcadii Kufsaday Haweenka oo laga raadinayo B/weyne

Howlgallo_Baladweyne_3Ciidamada Booliska ayaa howlgal balaaran maanta waxay ka wadaan Magaalada B/weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Howlgalka ayaa waxa ujeedkiisa lagu sheegay mid lagu baadi goobayo Koox Burcad ah oo dhawaan fal fool xun ka geystay Duleedka B/weyne.

Burcada ayaa waxay maalmo ka hor gaari ay dad rakaab ah la socdeen intay xoog ku joojiyeen kadib haween la socday ay la dageen Kufsina ugeysteen iyadoo dadkii Rakaabka ahaa wixii ay wateen laga qaatay.

Gudoomiyaha Maamulka Degmada B/weyne Maxamed Cusmaan Cabdi ayaa waxa uu sheegay inay cambaareynayaan Kooxdii falkaasi geysatay maalmo ka hor ayna ciidanka ku raad joogaan burcadaasi si sharciga loo horkeeno.

Afar Haween ah ayaa lagu kufsaday Deegaanka Buqaqable taasi oo dadku ay ka xumaadeen falkaasi foosha xun ee kooxdaasi Burcada ugeysteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here