Burcad Yamaniyiin ah oo dil iyo dhaawac u geystay tahriibayaal Soomaali ah

Wararka naga soo garaya dalka Yemen ayaa sheegaya in kooxo burcad ah ay dil, dhaawac iyo afduub u geysteen Soomaali muhaajiriin ah oo kusii jeeday dalka Yemen si ay uga sii talaabaan Saciidiga.

Hal ruux ayaa ku dhintay sadex kalana dhaawac ayaa kasoo gaaray kadib marki ay tacshiirad huwiyeen burcad Yamaniyiin ah koox dhalinyaro Soomaali ah xilli ay kasoo dagayeen dooni kuwa tahriibka ah meel u dhaw xeebta magaalada Cadan.

Ku xigeenka qulsanka magaalada Cadan u fadhiya Soomaaliya Xuseen Xaaji Axmed ayaa u sheegay wariyaasha in kooxaha burcada ah ay dhaawaceen afar nin balse mid ka mid ah uu u dhintay dhaawaci soo gaaray, waxa kale oo uu intaasi ku daray in burcada ay afduubteen lix haween ah.



Mr Axmed ayaa tilmaamay in dadka dhaawaca ah la geeyey isbitaalka magaalada Cadan oo hada lagu dabiibayo, sidoo kalana wali la la,yahay halki lala aaday lixdi hablood.

Kooxaha burcada Yaman ayaa bilihi dhawaa badiyey weerarada ay ku qaadayaan Soomaalida, gaar ahaan dumarka oo ay qaarkood xoog ku guursadaan qaarna inta ay lugta ka xiraan kadibna ka dhigta haweenka la iibiyo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.