Burcad rasaas ku furtay gaari marayay meel u dhexeysa magaaloyinka Gelinsoor iyo Gaalkacyo.

Wararka ka imanaya gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in ay ku geeriyoodeen saddex ruux tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii dabley hubeysan ay rasaas ku fureen baabuur Bas ah la socdeen oo marayay inta u dhexeysa degmoyinka Gelinsoor iyo Gaalkacyo.

Gaarigan ayaa waxa la sheegay in uu ka tagay magaalada Cabudwaq isagoo ku sii jeeday magaalada Galkacyo sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno gobolka Mudug.

Illaa iyo hadda lama oga sababta dhabta ah ee keentay in dableyda hubeysan ay rasaasta ugu fureen gaarigan baska ah balse lama soo sheegin in kooxdan hubeysan ay dhac u geysteen gaariga.

Wadada isku xirta magaalada Gaalkacyo iyo Gelinsoor ayaa mararka qaarkood waxaa gala wadadaas dabley hubeysan oo dhac u geysata dadka saaran baabuurta maraysa wadadaas.