Burcad-badeeda Soomaalida oo sii deysay Markab laga leeyahay dalka Denmark

Burcad-badeeda Soomaalida ayaa maanta sii deysay Markab iyo shaqaalihii saarnaa oo 6 Badmareen ahaa, markabkaan ayaalaga leeyahay dalka Denmarka, halka shaqaalaha saarana ay u kala dhasheen wadamada Denmark iyo Philipine.

Burcad-badeda ayaa haystey Badmareenada muddo laba sano ah, Sii deynta Badmareenada ayaa timid kadib markii Burcaddu heleen madaxfurasho. Shirkadda Kaargooga ee Shipcraft ayaa sheegtey in ay bixiyeen madaxfurasho malaayiin ah, sida ay qortey wakaaladda wararka ee AFP.

Telefishanka dalka Denmart ee TV2 ayaa sheegay in Burcaddu ay heleen lacag ku dhaw 7 milyan oo dollarka Maraykanka ah taas oo looga daadiyey diyaarado Khamiistii la soo dhaafey iyo maanta oo Talaado ah. lacagtan ayaa ah mid aad u badan isla markaana u fududeyneysa Burcadbadeedu in ay maalgelin cusub ay ku sameeyaan shaqadooda.

War ka soo abxay Xukuumadda Denmark ayaa lagu sheegey in Badmareenadu ay dhawaan la midoobi doonaan qoysaskoodi, waxaana hadda lala tacaalayaa xaaladooda caafimaad.

Shirkadda Shipcraft ayaa lagu eedeeyey in aysan qaadin masuuliyad dheeraad ah oo ay u soo furanayso shaqaalaheeda la haystey tan iyo sanadkii 2011, sida ay qortyey wakaaladda wararka ee AFP.

Bilihii ugu danbeeyay waxaa hoos u dhac weyn oo 75% uu ku yimid weerarada burcad-badeeda Soomaalida, kadib markii ay howlgalo xoogan ku qaadeen maraakiibta dagaalka NATO eek u sugan biyaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here