Burcad-badeeda Oo Sii Deysay Markab Laga Leeyahay Giriiga

Burcad-badeeda Soomaalida ayaa sii deysay markab laga lahaa wadanka Giriiga, oo ay gacanta ku hayeen mudo 10 bilood ah, kadib markii ay ka qaateen lacag madax furasho ah.

Milkiilaha Markabkan oo qaada Shidaal, lagana leeyahay wadanka Giriiga, 10 bil kahorna gacanta u galay koox burcad-badeed Soomaali ah, ayaa sheegay in markabkaas iyo 26 kamid ah shaqaalihii saarnaay lasii daayay.

Markabka MT Smyrni, oo waday shixnado shidaal ah, ayaa waday shaqaalo dhan 26 qof, oo 14 kamid ah ay kasoo jeedaan wadanka Filibiin, ayaa waxaa lagu afduubtay badda Arabian.

Ciise Cabdulaahi, oo ah mid kamid ah 4tii shaqsi ee weerarka afduubka ah ku qabsaday markabkaan, ayaa wakaalada wararka Reuters qadka Taleefanka ugu sheegay, in ay heleen lacag gaareysa $9.5 million.

Shirkada leh markabkan ayaa sheegtay in dhamaan shaqaalihii markabkaan saarnaay ay aamin qabaan, kuwaasoo kasoo jeeda wadamada, Filibiin, India iyo Romania.

Weerarada kooxda burcad-badeeda Soomaaliya, ayaa bilihii ugu danbeeyay laga dareemayay in ay hoos u dhaceen.

Waqti hore ayay ahayd markii koox burcad-badeed Soomaali ah, ay sii daayeen Markab kiimikada Qaada oo laga leeyahay wadanka Imaaraadka Carabta, kaasoo mudo sanad ah gacanta ugu jiray Kooxda burcad-badeeda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here