Burcad badeed Soomaali ah oo sii daayey markabka MT Enrico

Burcad badeed Soomaali ah ayaa sii daayey markab laga leeyahay dalka Talyaaniga oo ay la socdeen ilaa iyo 18 badmaaxayaal ah oo ay afduub u heysteen mudo afar bilood ah.

Markabka oo lagu magacaabo MT Enrico ayaa waxa uu xambaarsanyahay haamaha waaweyn, waxaana shaqaalaha la socday ku jira ilaa iyo 7 badmaaxe oo Hindi ah, waxaa la afduubtay 27 December markaasi oo uu ka baxay xeebaha Iran kuna sii jeeday dakada Yumurtalik ee dalka Turkey.

Waxa uu waday ilaa iyo 15,750 metric tonnes oo aheyd maadada kiimadaka ah ee loo yaqaano soda oo uu kasoo raray dakada magaalada Fujairah ee dalka Imaaraadka Carabta.

MT Enrico waxaa lagu hayey mudadaasi afarta bil ah gobolka Mudug gaar ahaan deegaanka Dhinooda,.

Sida ay wararku sheegayaan markabka ayaa waxaa lagu sii daayey lacago madax furasho ah, halka wararka qaarna ay dhahayaan waxaa fara geliyey dowlada KMG Soomaaliya iyo dowlada Talyaaniga oo wada xaajood la galay burcada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.