Burcad badeed Soomaali ah ayaa sii daayay markab laga leeyahay dalka Giriigga kadib markii ay muddo siddeed bilood ah ay afduub u haysteen.
Markabkan oo ay saarnaayeen illaa iyo 21 shaqaale u dhashay dalka Filibiin ayaa la sheegay in laga bixiyey lacago madax furasho ah.
Afhayeen u hadlay burcad badeeda ayaa sheegay in ay qaateen lacag dhan 2.3 malyan oo dollar hase yeeshee milkiilayasha markabka ayaan sheegin wax madaxfurasho ah ay bixiyeen.
Afhayeenka u hadlay burcad badeeda ayaa sheegay in khamiistii uu ka shiraacday makabka deegaanka Garacad halkaa oo ay ku haysteen markabka mudadii ay afduubka u haysteen.
Markabkan oo lagu magacaabo MV Free Goddess ayaa ka mid ahaa illaa iyo toddobo markab oo kooxaha burcad badeeda ay afduub u haysteen iyadoo haatan lix markab ay weli ku jirto gacanta kooxaha burcad badeeda ayna ku doonayaan in laga siiyo lacago madax furasho ah.