Burcad badeed Soomaali ah oo lagu lagu maxkamadeeyey dalka France

Maxkamad ku taala magaalada Paris ayaa ku xakuntay lix nin oo burcad badeed Soomaali ah xabsi u dhaxeeya 4 ilaa iyo 10 sano oo xarig ah kadib marki lagu eedeeyey danbiyo la xiriira falal burcadnimo.

Maxkamada ayaa kusoo oogtay dacwad la xiriirta in ay qabsadeen dooni ku raaxada ah iyo shaqaalihi saarnaa kuwaasi oo ay afduub ugu qabsadeen Gacanka Cadmeed sanadki 2008.

Laba ka mid ah dadka la heystay ayaa lasii daayey kadib marki ay dacwad oogayaasha soo jeediyeen in lagu xakumo 15 sano.

Xakunka ugu badan wuxuu ku dhacay Ismael Ali Samatar, oo qirtay inuu danbiga galay kaasi oo lagu xakumay 10 sano oo xarig ah, laba kale ayaa iyana qiray in ay doonyar qaad iyo jaad ugu geeyeen ragaan balse aysan aheyn burcad badeed kuwaasi oo lagu xakumay afar sanadood.

Burcad badeedan ayaa bishi April ee sanadki 2008 qafaashay markab kuwa raaxada ah oo ay la socdeen dad ka badan 30 ruux, hase yeeshee waxaa qabtay ciidanka bada ee France wax yar kadib marki ay qaateen lacagti madaxfurashada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.