Burcad badeed lagu xukumay Jermalka

Burcad badeed lagu xukumay Jermalka
Burcad badeed lagu xukumay Jermalka

Maxkamad ku taalla dalka Jarmalka ayaa nin Soomaali ah ku xukuntay 12 sano oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay dembi la xiriira in uu ku lug lahaa afduubka markab laga lahaa Jarmalka oo koox burcad badeed ah ay qabsatay sanadkii 2010.

Ninka oo aan magaciisa la shaacin ayaa da’iisa lagu sheegay 44 sano jir.

Maxkamadda magaaladda Onsnabrueck ee dalka Jarmalka ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in ninka Soomaaliga lagu helay dembi la xiriira afduub iyo handadaad lagula kacay markabka Marida Marguerite oo lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya.

Dembiilaha ayaa lagu qabtay xarun lagu diiwaangeliyo dadka magangelyo-doonka ah oo ku taalla Jarmalka bishii May ee sanadkii hore.

Markabka la afduubay waxaa lagu jir-dilay 22 qof oo badmaaxiin ah oo la socotay, waxaana la haystay muddo 7 bilood ah.

Burcad badeedda ayaa xilligaas madax-furasho ahaan loo siiyay 5 milyan oo doollar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here