Burcad badeed ku qaldantay markab dagaal oo la qabqabtay.

Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Spain ayaa gacanta ku dhigey shan burcad badeed ah kadib markii ay burcad badeedan ay ku qatalantay ama ku sirmatay markab dagaal oo ay u moodeen inuu yahay markab xamuul.

Markab dagaal oo lagu magacaabo ESPS Patino oo ka mid ah maraakiibta ilaalisa shixnadaha gargaarka ee loo soo wado dalka Somaliya ayaa waxaa soo weerary ugu yaraan lix burcad badeed ah kuwaas oo ku sugnaa meel ka baxsan xeebaha Soomaliya.

Waxana markabkan dagaal  oo ilaalinayay markab xamuul ay is weydaarsadeen rasaas ugu yaraan lix burcad badeed ah waxaan markii dambe is dhiibay burcad badeedii kadib markii iskahorimaadka ay ka qeybgashay mid kamid ah dayuurad helicobter ah.

Ciidamada markabka dagaal saarnaa ayaa u suurtogashay in shan kamid ah kooxda burcad badeeda ay saaraan markabkoodii balse waxaa la waayay mid kamid ah burcad badeeda oo loo malaynayo in uu dhintey. Sida ay qortay abc news shantan burcad badeeda ah ayaa dhaawacyo kala gedisan soo gaaray iyadoo labo ka mid ah lagu daweeyey markab ka dushiisa.

Ma aha markii ugu horeysey ee ay burcad badeed weerarto markab dagaal iyagoo moodaya markab xamuul.

Bishii oktober 2009 ayaa sidoo  kale koox burcad badeed ah waxa ay weerareen markab dagaal oo laga leeyahay dalka Faransiiska,  kooxdii burcad badeeda ayaa markii dambe isku dhiibtay ciidamada dalka Faransiiska