Burcad afduub u heysato wariye Mareykan ah oo dalbaday $ 12 milyan oo madaxfurasho ah

Kooxo burcad Soomaali ah oo afduub ugu heysto degmada Hubyo ee gobolka Mudug wariye u dhashay dalka Mareykanka ayaa dalbaday 12 milyan oo doolar oo madaxfurasho ah.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kooxda heysato saxafiga oo ah burcad badeed Soomaaliyeed ay marba sheeganayaan qiimo lacageed oo ay ku rabaan madaxfurasho.

“Kooxdaan waxay marba dalbanayaan lacago, laakin dalabki ugu danbeeyey waxay ku sheegteen 12 milyan oo doolar, laakin lama bixinayo lacagaha waxaana rajo ka qabnaa in lasoo sii daayo,” ayuu yiri Mr Caalin.

Madaxweynaha mamaul goboleedka Galmudug ayaa sheegay in xalka kaliyah ee lagu sii deyn doono saxafigan ajnabiga ah uu noqon doono wada xaajood ama in lagu furto sidi ay ciidamada gaarka ah ee Mareykanka kusoo badbaadiyeen laba shaqaale ah oo lagu heystay meel u dhaw Cadaado.

Wariye Moore ayaa laga afduubtay meel u dhaw magaalada koonfurta Gaalkacyo ayaa waxaa lagu heystaa meel ka tirsan degmada xeebeedka Hobyo oo ka tirsan deegaanada hoostago maamulka Galmudug.