Burbur wali kamuuqada Degmada Shibis {Swairo}

Degmada Shibis oo kamid ah degmooyinka G/banaadir ayaa waxaa wali kamuuqanaya burbur baahsan oo kasoo gaaray dagaaladii mudaba kasoconayay degmadaas kuwaasoo udhaxeeyay ciidamada Doowlada oo garab kahelaya Amisom iyo Al-shabaab.

Qeybo badan oo degmadan kamid ah ayaa waxa sixun ugu dagaalamay labada dhinac,iyadoo guryaha qaar ayba adagtahay in lakala garto burburka soo gaaray darteed,waxaa taas usii dheer in qeybo badan oo kamid ah ay Al-shabaab ka qodeen boholo waaween oo ay sanada marsan jireen barigii uu dagaalka Socday.

Goobta ugu daran ee uu burburka sida ba’an u saameeyay ayaa ah inta udhaxeysa Isgoyska Jubba iyo Maana boolyo.

Magaalada Muqdisho hada waxay kasoo kabaneeysaa dagaaladii iyo burburkii ay sababeen iyadoo meelaha qaar laga dhisay dhismooyin aad uqurxan isla markaasna aadba isleedahay meeshan waligeed dagaal kama dhicin,laakiin Degmada Shibis wali waa mid ubaahan dib udhis xoogan.

Shibis ayaa waxaa lagu xasuustaa ineey bari samaadkii kamid ahayd degmooyinka ugu qurxan magaalada Muqdisho,xitaa berigii dagaalada Sokeeye waxaay ahayd mid kayara roon degmooyinka kale,laakiin Hada waxaa sidi aboorka oo kale u fiiqday dhulkana ku daran taangiyada AMISOM Iyo qodqdoowga Al-shabaab oo sidi dhurwaaga oo kale kaqotay Boholo waaween oo mara dhulka hoostiisa.

Hadaba kusoo dhowaada Sawiro aan idinkaga soo xulnay Burburka Iyo saameeeynta ay dagaaladu ku reebeen dhismayaasha Degmada Shibis.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here