Bulshada Digil iyo Mirifle ee ku dhaqan Muqdisho oo soo dhoweeyay la wareegitaanka Magaalada Baydhabo

Kulan ballaaran oo lagu taageerayay guushii Magaalada Baydhabo iyo la wareegitaankii 3-sano kadib Ciidamada dowladda ay dib ula wareegeen ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb galeen Odayaasha dhaqanka, waxgaradka, Culumaa’udiinka, iyo qeybaha bulshada Digil iyo Mirifle ee ku dhaqan Muqdisho.

Kulankan oo ka dhacay Hotelka Naasahablood 2 ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan xukuumada iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayay ku soo dhoweeyeen xoreyntii Magaalada Baydhabo ee laga xoreeyay Al-Shabaab iyo Al-qaacida.

Hey’adda Wada hadalka Bulshada CCD oo kulankan soo qaban qaabisay ayaa qeybihii bulshada ee ka qeyb galay ku soo bandhigeen suugaan ku dheehneyd wadaniyad ay ku muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin in deegaanada Bay iyo Bakool la xoreeyo.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Marwo Luul Cabdi Aadan ayaa ugu horeyn soo dhoweysay la wareegitaanka Magaalada Baydhabo, iyo guushii ay soo hoyeen Ciidamada xooga dalka, iyadoo u mahadcelisay Hey’adda CCD kulankan ay u soo qaban qaabisay Bulshada Digil iyo Mirifle ee ku dhaqan Muqdisho.

“Hey’adda noo soo qaban qaabisay kulankan CCD ayaan u mahad celinayaa, wali ma dhicin kulamadan oo kale in la isugu yimaado bulshada Digil iyo Mirifle ee Muqdisho degan, waxaan ugu horeyn soo dhoweynaynaa guushii ay soo hoyeen Ciidamada qalabka sida, in laga xoreeyay Baydhabo Janaay cadawgii magaalada heystay”ayay tiri Luul Cabdi Aadan oo intaa ku dartay in loo baahan yahay in bulshada Gobolada Digil iyo Mirifle ay midoobaan, lana shaqeeyaan Ciidamada qalabka sida, si gacan wada jir ah looga geysto xasilinta Ammaanka.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in laga gudbo wixii horay u dhacay, lana is cafiyo, waxaana ay adkeysay in laga maarmaan ay tahay in la sameeyo tirakoob bulshada ah si ammaanka loo sugo, iyadoo ugu baaqday bulshada ku nool Baydhabo inay soo dhoweeyaan Ciidamada, iyadoo fartay Ciidamada inay si wanaagsan ula dhaqmaan shacabka.

Xildhibaan Xuseen Sheekh Nuur oo ka mid ahaa Mudanayaasha Baarlamaanka ee ka soo jeeda Gobolada Bay iyo Bakool ayaa sheegay in deegaanadaas dhowaan laga xoreyn doono Shabaab, isagoo tilmaamay inay taageerayaan howl galada dalka ka socda ee lagu ciribtirayo Al-Shabaab iyo Al-qaacida.

Waxaa kaloo kulanka ka hadlay Xildhibaan Cali Aadan Cabdulle oo isna codkiisa ku biiriyay soo dhoweynta guushii Baydhabo, waxaana uu ku nuux nuuxsaday in bulshada Gobolada Bay iyo Bakool gacmaha is qabsadaan, isla markaana u istaagaan wada jir iyo midnimo.

Malyuun Maxamed Ibraahim oo ka mid ah Haweenka Digil iyo Mirifle ayaa sheegtay in Al-Shabaab Gobolada Bay iyo Bakool ay badeen abaaro iyo dhibaatooyin, isla markaana ay magac xumo u soo hoyeen dadka degan Gopboladaas.

Shamso Ibraahim Boolis oo ka mid ah Haweenka Qurbo joogta kana tirsan bulshada Digil iyo Mirifle ayaa xustay in iyadoo wakiil ka ah qurba joogta ay dareenkooda muujinayaan, soona dhoweynayaan xoreynta Baydhabo, waxaana ay carabka ku dhufatay in loo baahan yahay in qorshe loo sameeyo Gobolada ay deegaan bulshada, si dib u dhis iyo horumarin looga geysto, waxaana ay ugu baaqday dadka dibadaha ku nool inay ka qeyb qaataan hormarinta deegaanada.

“Dadka Gobolada ka maqan ee dibadaha jooga inay soo laabtaan oo dhulkooda ay dhisaan, Buurhakaba macdan ayaa ku jirta, dadka waa soo saari karaan, hadii la maal geliyo deegaanadeena, hadii la xoreeyay”ayay tiri Shamso Ibraahim Boolis.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Sh/Hoose Faadumo Cusmaan ayaa waxay soo dhoweysay xoreynta Magaalada, waxaana intaa ku dartay in hadii Gobolkooda loo xoreeyo ay kulamo ceynkan oo kale ah ku qaban doonaan Gobolka.

Ugu dambeyn waxaa kulanka ka hadashay Gudoomiyaha Haweenka ee CCD Sahro Maxamuud Amiin ayaa ugu hambalyeysay bulshada Gobolada Bay iyo Bakool xoreyntii la xoreeyay Baydhabo, iyadoo intaa raacisay in Hey’adda CCD ay kaalin ka qaadan doonto wacyi gelinta iyo horumarinta bulshada Goboladaas ku dhaqan.

22-dii bishan ayay aheyd markii Ciidamada dowladda oo kaashanaya Ciidamada Milateriga Itoobiya ay kala wareegeen Al-Shabaab Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.