Buffon oo ku walwalsan kulanka Italy iyo Bulgaria

313443_heroaKabtan xulka qaranka Italy, Gianluigi Buffon ayaa cabsi ka muujiyay kulanka adag ee ay kaga soo horjeedaan Bulgaria Jimcaha maanta,kaasoo ka tirsan cayaaraha is-reeb-reebka adduunka.

Tabbabare Cesare Prandelli, ayaa doonaya in xulkiisa uu u soo gudbo tartanka koobka adduunka oo sannadka 2014-ka ka dhacaya dalka Brazil.

Cayaarta oo ka dhaceysa garoonka Stadio Renzo Barbera ee ku yaala Palermo, waxaa haddii uu badiyo Italy uu ku soo baxayaa in ay hoggaamiyaan Group B.

Buffon ayaa sheegay iyadoo ka horeeya afar dhibicin xulka Bulgaria in hadana aan la dhayal san Karin kooxdaas.

35-jirka gobalka u qabta Juventus ayaa sheegay in shaqo badan ay u taalo kooxda Azuuri maadama laga daba imaan karo.

“Aad ayaan uga walwalsanahay kulanka Bulgaria, sidoo kale waa kulan noo horseedaya in ay u soo baxnay ciyaaraha isreebreebka adduunka,” Buffon ayaa sidaas u sheegay saxaafadda.

Wuxuu sheegay xulka Italy in dhowr cayaartoy ay ka dhaawacan yihiin kuwa kalena laga mamnuucay cayaartay.

Buffon ayaa sidoo kale ammaanay tabbabare Prandelli,kaasoo uu sheegay in qaaday tallaabo xulka Talyaaniga uu uga qaybgalaayo tartanka adduunka 2014 sida ay soo wariyeen wariyaasha Italy.

“Prandelli wuxuu muujiyay sida uu diyaar ugu yahay in uu xulka ka mid noqdo waddamada ka qaybgalaya ciyaaraha adduunka maxaa yeelay tayada kooxda kor ayuu u qaaday, waxaan ku guuleesanay dhowr ciyaar taageerayaal fara badan ayaan sameesanay,” Buffon ayaa sidaas yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here