Britain oo u sheegtay Somaliland in ay ka soo qaybgalaan shirka May

Siilaanyo iyo David Cameron oo ku kulamay Lodon
Ra’iisal wasaaraha dalka Ingiriiska David Cameron, ayaa xaley kulan kula qaatay xafiiska Down Street-ka ee magaalada London madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Kulanka oo ahaa kii ugu horreeyay oo si toos ah u dhex mara David Cameron iyo Siilaanyo ayay labada masuul waxay uga wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirkooda, iskaashiga ammaanka iyo shirka May 7 ka dhici doona London.

Raysul wasaare David Cameron ayaa ku celiyay ahmiyadda uu u leeyahay maamulka Somaliland ka qeyb-galka shirka London ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

David Cameron ayaa sheegay in sii wadidda wada-hadalka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland uusan keliya mudnaan weyn ugu fadhin dowladda UK balse uu muhiim u yahay Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo iyo wafdigiisa oo haatan ku sugan UK ayaa dhowaan u dhoofi doona dalka Mareykanka oo lagu wado inay kula kulmaan madax ka tirsan Mareykanka iyo jaaliyadda Somaliland ee dalkaas ku dhaqan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here