Britain oo 22 sano kadib safaaradeedii ka furatay Muqdisho

Doowlada Britain ayaa maanta mudo 22 sano ah kadib Safaaradeeda ka furatay magaalada Muqdisho, waxaana furitaankeeda ka qayb galay madax sare oo ka kala tirsan doowladaha Ingiriiska iyo Soomaaliya.

Furitaanka Safaarada ayaa waxaa ka qayb galay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, iyo wasiirka arimaha dibada ee dalka Britain William Hague.

Labada masuul ayaa intii lagu gudo jiray furitaanka Safaarada waxay sidoo kale ka wada hadleen kulanka Soomaaliya ee ka dhacaya magaalada London Bisha May 7-deeda.

William Hague, ayaa isaga oo ku sugan safaarada cusub waxa uu yiri: “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ku dhawaaqo maanta 22 sano kadib, markii aan diblomaasiyiinteena ka daad gureynay Muqdisho, inaanu markale dib si rasmi ah u furaneeyno Safaaradeena Cusub ee Muqdisho”.

“Soomaaliya waxaa ka dhacay isbadal weyn tan iyo sanadkii lasoo dhaafay laakiin wali waxaa soo wajahaya caqabado badan, waxaa loo baahanyahay inaan qiyaali kujirin, waxyaabaha loo baahan yahay in dedaalka la gaarey lagu hayn karo, Hague ayaa yiri kadib furitaankii Safaaradda, Tani waxay marag u tahay horumarka Soomaaliya dhanka nabadda ka gaartey.” sidaa waxaa yiri William Hague.

William Hague, ayaa hadalkiisa sii daba dhigay “- Waxaan Caalamka u sheegaynaa in aan joogno Muqdisho, Soomaaliyana ay u furan tahay dib u dhis iyo hor marin,  Waxaana ku rajo-weynahay in Caalamka kale ku dayan doono tallaaabadada UK qaadey”.

Safaarada Ingiriiska ee Soomaaliya, ayaa xirnayd tan iyo sanadkii 1991 markii Safaarada la xiray oo danjirihii iyo shaqaalihiisiiba laga daad gureeyay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here