Brendan Rodgers oo sheegay in STURRIDGE uu noqon doono laacibka Aduunka

Tababaraha Liverpool Brendan Rodgers, ayaa aaminsan in Ciyaaryahankiisa DANIEL STURRIDGE, uu leeyahay awood dabiici ah oo uu ku noqon karo mid kamid ah laacibiinta dunida ugu wanaagsan.

Sturridge_and_Rodgers_liverpool

DANIEL STURRIDGE, oo Sanadkaan bilawgiisa Chelsea kaga soo biiray Liverpool qiimo dhan £12m, ayaa hada kamid ah Xidigaha uu ku duulo Brendan Rodgers.

DANIEL STURRIDGE,, ayaa xili ciyaareedkan soo bandhigay Ciyaaro aad loo jecleystay, waxaana hada uu leeyahay 9 Gool 10 kulan oo uu ciyaaray, isaga ayaana hogaaminaya Gooldhalinta.

Qaar kamid ah Goolasha uu dhaliyay, ayaa ahaa kuwo aad u qurxan, iyadoo la wada xasuusto Goolkii quruxda badnaa ee uu Isbuucii hore ka dhaliyay kooxda West Brom.

Brendan Rodgers, ayaa sheegay in DANIEL STURRIDGE, Sanadaha soo aadan uu noqon doono xidiga ugu qaalisan Yurub, islamarkaasna uu noqon doono Laacibka Yurub iyo kan aduunka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here