Brazil oo ku guuleesatay koobka Qaaradaha

Xulka Brazil ayaa xaley ku guuleestay koobka Confederations Cup, markii ay ku durdurisay kooxda ugu wanaagsan adduunka ee Spain

Ciyaarta oo ka dhacday garoonka caanka ee Maracana oo ku yaalla caasimada Rio De Jenero, waxaa ka qaybgalay dad aad u badan, waxaana la adkeeyay intii ay ciyaarta socotay ammaanka garoonka.

Waa markii sedddaxaad oo isku xigga oo Brazil ay ku guuleesatay koobka Confederations Cup taarikhda, sidoo kale waxaa laga soo gabagabeeyay Rikoor u yaallay Spain oo ahaa in 29-kulan aan laga badin.

Goolasha xulka Brazil waxaa u daahfuray Fred oo dhaliyay labo gool halka gool seddaxaad uu dhaliyay xidigga dhawaan ku biiray kooxda Barcelona ee Neymar.

Kooxda Spain xaley waxaa laga ciyaar fiicnaa, waxaana Sergio Ramos uu ka khasaariyay gool ku laad qeybtii labaad ee ciyaarta ka hor inta aan kaarka guduudka loo taagin Gerard Pique oo khalad kula kacay Neymar.

Taarikh ahaan , Vicente Del Bosque wuxuu ka warqabaa in xulka Brazil aan guul daro ka soo gaarin gurigooda tan iyo sannadkii 1975 , waana markii ugu horeysay oo isaga dib ugu laabto Brazil tan iyo 1934 waana xilligii u dambeyay ee Spain ay ka badiso Brazi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here