Brazil oo koobka adduunka ay ka maqan yihiin Kaka, Robinho iyo Lucas Moura

Macallinka xulka qaranka Brazil, Luiz Felipe Scolari ayaa ku dhawaaqay 23-ka cayaartoy ee uu la tagi doono koobka adduunka ee sannadkan 2014-ka.
Xulka waxaa ka maqan Kaka, Robinho iyo Lucas Moura.

Waxaa kaloo jirra warar shaki-galinaya iyana xiddiga Napoli, Henrique, cayaaryahanka qadka dhexe ee Inter Hernanes, kan Roma Maicon iyo difaaca PSG,Maxwell kuwaasoo aan ka dhexmuuqan liiska cusub ee la soo saaray.

Difaaca Atletico Madrid,Filipe Luis Miranda iyo sidoo kale xiddiga qadka dhexe Liverpool Philippe Coutinho ayaa ka dhex muuqda liiska cusub sidoo kale waxaa ku jirra difaaca dambe ee midig, Bayern Munich Rafinha.

Brazil ayaa lagu furi doonaa koobka adduunka, waxaana ay is arki doonaan Croatia cayaarta ka dhaceysa Sao Paulo bisha June 12 ka hor inta aysan is wajihin Mexico iyo Cameroon oo ka mid ah kooxaha ku jirra Group-ka ay ku jiraan.

Cayaartoyda Brazil u cayaari doona:

Goolhayaasha: Jefferson (Botafogo), Julio Cesar (Toronto FC), Victor (Atletico MG).

Difaacyada: Dante (Bayern Munich) David Luiz (Chelsea), Henrique (Napoli), Thiago Silva (PSG) Dani Alves (Barcelona), Maicon (Roma) Marcelo (Real Madrid), Maxwell (PSG).

Qadka dhexe: Fernandinho (Manchester City) Hernanes (Inter) Luiz Gustavo (Wolfsburg) Oscar (Chelsea) Paulinho (Tottenham Hotspur), Ramires (Chelsea), Willian (Chelsea).

Weerarka: Bernard (Shakhtar Donetsk), Fred (Fluminense) Hulk (Zenit) Jo (Atletico MG), Neymar (Barcelona).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here