Brazil 3 1 Belarus [Sawiro]

Laacicbka ay dhowaan Chelsea kula soo wareegtay £25million Oscar, ayaa goolka koowaad u daahfuray Brazil,laakiin waxaa gool aad ucaaqibo lahaa wax yar kadib shabaqada Belarus dhex dhigay wiilka mudan inuu sanadkan ku guuleeysto kabaha dahabka Olombikada Neymar.

Guushan ay gaartay Brazil waxay kadhigantahay ineey soo tiigsato wareega Quaterfinalka,waxayna hada u baahantahay 1-dhibic oo kaliya si ay u xaqiijiso wareegaas.

Renan Bardini Bressan ayaa 8 daqiiqo kadib goolka Oscar waxa uu madaxa gool ugu barbareeyay xulkiisa Belarus, balse waxaa gool aad uqurx badnaa ugu labeeyay Neymar oo baas aad uquraxanaa kahelay saaxiibkiis Alexdro Pato oo meel udhow karoos uga soo qaaday.

Goolka Neymar ayaa waxa uu ahaa laad xor ah waxa uuna kasoo shuuday meel goolka ujirta 25m,laacibkan ayaa waxa uu hada yahay laacibka usoo baxay Brazil,waxaana lafilaa inuu ciyaarahan hada kasocda London kadhigo wacdaro.

Oscar wiilka yar ee ay sanadaan lasoo shartagi doonto Chelsea ayaa ahaa dhaliyaha goolka 3aad ee Brazil.

New Zealand iyo wadanka masar oo ay isku guruub yihiin Brazil iyo Belarus ayaa iyagana galay barbaro 1-1 ah,waxayna kadhigantahay in Brazil ay Group-kan ku hogaamiso 6 dhibcood oo nadiif ah.

Brazil oo haysata 5 kamid ah Koobka aduunka, ayaan waligeed marnaba ku guuleeysan biladda dahabka olombikada.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here