Brahimi:Syria waxay ka darnaan doontaa Soomaaliya

Beesha Caalamka ayaa hada dadaal ugu jirta sidii loo mideyn lahaa mucaaradka Syria, si meesha looga saaro maamulka Bishar Asad, mucaaradka ayaa hada haysta magaalooyin badan iyo goobo istiraatiiji ah.

Sidoo kale beesha Caalamka ayaa mucaaradka iyo doowlada Syria ku riixaya ineey wada fariistaan miiska wadahadalka, si loo joojiyo dagaalada dhiiga badan uu ku daadatay, islamarkaasna loo yagleeli lahaa doowlad KMG ah.

Jaraa’idyada waaweyn ee kasoo baxa Caalamka, gaar ahaan wadamada carabta, ayaa maqaalo farabadan ka qoray, sida uu noqon doono mustaqbalka Syria, marka uu meesha kabaxao nidaamka Asad, iyo sidoo kale ineey jirto Cabsi ku aadan in hogaamiyaasha hada hogaaminaya dagaalka lagula jiro doowlada ay hadhoow iska hor’imaadaan, taasoo lamid noqon doonta xaalada Soomaaliya, gaar ahaan 1991-dii markaasoo ay xabad iskala soo hor jeesteen hogaamiyaashii jabhadaha, kuwaasoo markii hore dagaal kulajiray doowladii milatariga.

“…Waxaan rabnaa inaan aragno mucaaradka iyo doowlada Syria, oo miiska wadahadalka fadhiya, si loo sameeyo doowlad KMG ah, wadankana dhibaatada looga saaro….” Sidaa waxaa yiri John Kerry, Xoghayaha arimaha dibadda Mareeykanka.

“…Waxa aan dooneeyno iyo waxa Caalamku doonayo, waa in la joojiyo dagaalka….” Ayuu sii daba dhigay Kerry oo shalay shir jaraa’id saxaafada ugu qabtay magaalada Washington.

Ergayga gaarka ah ee Jaamacada Carabta iyo QM uqaabilsan arimaha Syria Brahimi, ayaa sheegay inuu wal wal weyn ka qabo xaalada Syria ineey isku badasho sida Soomaaliya oo kale, balse ayba kasii xumaan karto.

“…Tani waa dhibaatada ugu daran ee hada ka taagan Caalamka, hadaan wax laga qabana Syria waxay kasii xumaan doontaa Somalia….” Ayuu yiri Brahimi.

Su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah, waxa ay lasoo bixi doonaan kooxaha mucaaradka ee hada dagalka kulajiraan doowlada Syria, iyadoo hada si weyn looga shakisanyahay in kooxahaas ay ku dhexjirto koox xiriir la leh Al-qacida, kuwaasoo weeraro dhowr ah oo ismiidaamin ah ka gaystay wadanka Syria, waana baqdinta ugu weyn ee reer galbeedka ku kaliftay ineeysan hub ku taageerin mucaaradka Syria.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here