Boston:Booliska oo gacanta kusoo dhigay Dzhokhar Tsarnev

Booliska ayaa nolol kusoo qabtay wiilkii 2aad ee looga shakisnaa inuu ku lug lahaa qaraxyadii Isniintii ka dhacay magaalada Boston, kadib ku dhawaad 24 saacadood, oo ay ka baadi goobayeen agagaaraha magaalada Boston.

Booliska ayaa ka soo qabtay Dzhokhar Tsarnev, oo 19 jir ah, isagoo ku dhex dhuumanaya doon taalay deyr guri ku yaala magaalada Watertown ee duleedka magaalada Boston.

Wararka qaar ayaa sheegaya in wiilkaan uu qabo dhaawac halis ah,waxaana booliska durbadiiba markii ay qabteen ku xireen qalabka hawo siinta, waxaana loo qaaday Isbitaal si loo daaweeyo.

Madaxweynha Mareeykankan Brack Obama, oo hadal kooban ka jeediyay aqalka Cad, waxyar kadib markii boolisku ay soo qabteen wiilkaan, ayaa u mahad celiyay hay’adaha amaanka,isagoo dhanka kale shacabka Mareeykanka ka dalbaday ineeysan ku dag dagin go’aan ka gaarista sababta ka danbeysa weerarka.

Wuxuu sheegay inuu dhimanyahay baaritaan, kadibna ay sheegi doonaan waxa uu kusoo dhamaado, iyo sababaha keenay in weerarka uu dhaco.

Dadka reer Boston oo shaashadaha ka daawanayay marka lasoo qabanayay Dzhokhar Tsarnev, ayaa sawaxan iyo qaylo dhaan ugu hanbalyeeyay booliska iyo shaqaalihii kale ee gurmadka markii ay dhexmarayeen magaalada.

Booliska Boston, ayaa sidoo kale sheegay in 3 qof oo kale ay jeelka dhigeen, islamarkaasna su’aalo lagu weydiinayo magaalada Newbedford, ee ku taala isla gobolka Massachusetts, iyagoo wax laga weydiinayo xiriirka ay la leeyihiin qaraxyadii Boston.

In ka yar 30 daqiiqadood markii booliska Massachusetts ay qaadeey amar dadka magaalada Watertown lagu siiyay inay guryahooda ku ekaadaan, ayaa rasaas laga maqlay meel ka mid ah magaalada, halkaas oo ay boolis fara badan ku baxeen.

Markii lagu dhawaaqay in booliska Boston, ay gacanta kudhigeen Dzhokhar Tsarnev, ayaa madaxweyne Obama oo u mahadcelinaya booliska, waxa uu sheegay in ilaa iyo hada aan jawaabo loo haynin su’aalo farabadan, ilaa iyo inta sida rasmiga ah looga soo gaba gabeeynayo baaritaanada la xiriira arintaan.

“Jawaabo uma hayno su’aalo farabadan oo lays weeydiinaayo, waxaana su’aalahaas kamid ah:maxay labadaan wiil oo ku koray waxna ku bartay gudaha dalka Mareeykanka u sameeyeen falalkaas xun xun?sideey u abaabuleen una fuliyeen qaraxyadaas, mase laga yaabaa ineey jireen dad kaloo arinkaas gacan ku siinayay” sidaa waxa yiri madaxweyne Brack Obama.

Obama, ayaa qiray in isbuucii lasoo dhaafay uu ahaa Isbuuc aad u adag, waxa uuna sidoo kale sheegay in qaraxyadii Boston Marathon ee Isniintii dhacay islamarkaasna ay ku geeriyoodeen 3 qof 170 kalena ay ku dhawacmeen ay ahaayeen kuwo fashil ku dhamaaday, shacabka Mareeykankana ay diideen falalka Aragagixisnimada.

Mid kamid ah booliska Boston, ayaa bogiisa Twitter-ka kusoo qoray sidaan “waa la qabtay, eedeeynasane 2 raadintii loogu jiray waa la soo gaba gabeeyay, Aragagixisada waa dhamaatay, waxaa guuleystay cadaalada, Dzhokhar Tsarnev waxa uu kujiraa gacanta booliska.

Howlgalkii xalay lagu soo qabtay wiilkaan waxaa ka qayb qaadanayay diyaaradaha qumaatiga ukaca, Ciidamada boliska, Ciidanka loo yaqaano SWAT iyo FBI.

Labadaan wiil ee midna ladilay midna nolosha lagu qabtay, ayaa waxay kasoo jeedaan wadanka Chechnya, waxayna Mareeykanka usoo guureen 10 sano kahor.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here