Bosnia:Haweeneey Muslim ah oo loo doortay ineey noqoto gudoomiye gobol

Dadka ku nool gobolka “Viescio” ee wadanka Bosnia ayaa gudoomiyaha gobolkaas u doortay gabar Xijaaban oo muslimad ah.

Gabadhaan ayaa noqoneeysa gabadhii ugu horeesay islamarkaasna ah muslim Xijaaban oo gudoomiye ka noqota mid kamid ah dalalka Yurub.

Haweeneeydan oo da’deeda lagu sheegay 40 sano jir, ayaa mansabkaan ku guuleeysatay kadib markii ay heshay codad gaaraya 30%, kuwaasoo ku nool magaalada “Viesco”oo ku taal dhinaca waqooyi galbeed caasimada dalkaas ee Saraevo.

Haweeneydan oo hadashay kadib doorashadeeda ayaa waxay tiri: “waxaan aaminsanahay guushaan aan gaaray fariin ay u tahay reer galbeedka isalmarkaasna ay darsi kabaran doonaan sida dimoqraadiyada leh ay ku dhacday, waana ilaalin doonaa, xuquuqul insanka sinaanta iyo cadaalada”.

Dadka ku nool wadanka Bosnia ayaa 40% waxay yihiin dad muslimiin ah, kuwaasoo hada si nabadgalyo ah kula nool dariskooda masiixiyiinta ah, inkastoo mar uu soo dhexmaray labada dhinac kaasoo lagu xasuuqay Muslimiinta dalkaas.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here