Bosco Ntaganda oo wajahaya maxkamadda The Hague ee dalka Netherlands.

Bosco Ntaganda,oo ah nin la doon-doonaayay ayaa laga dajiyay The Hague, waxaa loo heestaa dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Ntaganda, ayaa dhawaan iska dhiibay safaaradda Maraykanka uu ku lee yahay caasimada Kigali ee dalka Rwanda.

Wasiirka arrimaha dibedda Rwanda Louise Mushikiwabo, wuxuuu sheegay Ntaganda in lagu arkay safaaradda Maraykanka ee Kigali, laakin faah-faahin kale kama bixin warka uu soo galiyay barta Twitter isniintii horre.

Maraykanka ayaa sidoo kale ka hadlay isdhiibitaanka Ntaganda.

Victoria Nuland, oo ah afhayeen u hadashay waaxda arrimaha dibedda Maraykanka ayaa sheegtay Bosco Ntaganda in uu soo galay isagoo socda safaaradda ay ku lee yihiin Kigali. .

Waxa ay tiri wuxuu codsaday in loo gudbiyo maxkamadda caalamiga ee dambiyada ee The Hague.

Ntaganda ayaa wajahaya eedeemo badan oo ay ka mid yihiin in uu carruura ku qasbay in ay askar noqdaan, dil iyo kufsi ka dhacay bariga Jamhuuriyada Congo.

Madaxweyne Joseph Kabila,ayaa dhowr sanno isku dayay in uu soo xirro qaar badan oo ka mid ah jabhadda m23.

Dagaalka u dhexeeya mucaaradka m23 iyo ciidamada Koongo ayaa waxaa ku barakacay 500,000 oo qof tan iyo bishii May, sida ay soo warisay hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qoxootiga.

Maxkamadda ICC, ayaa ku dhawaaqday sannadkii 2006-dii in la soo xiro Ntaganda tan iyo xilligaas wuxuu ku jiray dhuumaaleysi

Ntaganda, ayaa la sheegay in dhawaan la soo taagi doono maxkamad, waxaa la aamisan yahay in uu jiro da’da 50-ka.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here