Borussia Dortmund oo qabsatay hogaanka horyaalka Bundesliga

Kooxda Borussia Dortmund ayaa la wareegtay hogaanka horyaalka dalka Jarmalka kadib marki ay xalay 2-0 ku cuntay naadiga Nurnberg ciyaar ay ku dheeleen garoon aad u qaboobaa.

Kadib marki kaamibiyihi koowaad ay isku mari waayeen goolal la,aan ayey goolka koowaad ku heleen dadaali ciyaaryahan Kehl punctuated oo badal kusoo galay, ciyaarta oo aad u adkeyd ayaa sideedii iska aheyd oo labada dhinac ay is weerarayeen, waxaana mari danbe rajada ka tirsay Nuremburg ciyaaryahanka badalka kusoo galay ee Lucas Barrios ciyaarta oo ay ka dhineyd sideed daqiiqo goolkaasina wuxuu ahaa kiisi ugu horeeyey ee xilli ciyaareedkaan.

Guushaasi ayaa ka dhigtay in ay sadex buundo oo nadiif ah ka sareeyaan haatan kooxaha kala ah Bayern Munich iyo Schalke, kuwaasi oo midkiiba hal kulan uu u dhimanyahay oo hadii ay badiyaan markaasi la dhibca noqon doono kooxda kaalinta koowaad.

Nurnberg ayaa haatan ku jirto booska 13-aad.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.