Borussia Dortmund oo hanatay horyaalka dalka Jarmalka

Kooxda Borussia Dortmund ayaa u dabaaldagtay markeedi labaad oo xiriir ah hanashada horyaalka dalka Jarmalka ee Bundesliga, kadib marki ay si raaxa leh 2-0 uga badisay kooxda Borussia Monchengladbach.

Ciyaarta oo ka dhacday garoonla Signal Iduna Park ayaa aheyd mid la wada sugayey, iyadoo Borussia Dortmund ay maanka ku heysay guul ay shalay gaartay Bayenr Munich oo ku badisay gool uu u saxiixay Franck Ribery, waxaase ka fujiyey oo guusha u xaqiijiyey Ivan Perisic iyo Shinji Kagawa oo goolasha kala siiyey laba galin ee ciyaarta.

Kooxda martida loo ahaa waxay xiyaarta ku bilowday si fir fircoon iyadoo ay weerar halis ah qaadayeen xidigaha reer Poland ee kala ah Lukas Piszczek iyo Jakub “Kuba” balse Brusia wey ka baxsaneysay dabinada.

Guusha ay gaartay Dortmund ayaa ka dhigan in ay qaaday horyaalka Bundesliga iyadoo ay ka dhimanyihiin laba ciyaarood, waxay u baahneyd hal buundo oo qura weyna heshay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.