Boqorka Spain Oo Markii Labaad Dhulka Kudhacay

Boqorka dalka Spain “Juan Carlos”ayaa shalay dhulka ku dhacay kadib markii ay ubaxday lugta midig,xili uu doonayay inuu galo xaruunta wasaarada difaaca,boqorka ayaa doonayay inuu lakulmo masuuliyiin dhanka amaanka ah,waxaana lasocday xiliga uu simbiriraxanayay wasiirka difaaca “Pedro Morino”.

Boqorka ayaa isku diyaarinayay inuu gudaha ugalo xarunta kagadaal markii uu gacan qaaday saraakiil kusugnayd albaabka hore,laakiin ma uusan ku baraarugsaneen ineey udhimantahay jaranjaro kale,kadib mid kamid ah lugihiisa ayaa ku dhacday jaranjarada taasoo keentay inuu kufo boqorka,waxaana uu dhaawac fududu kasoo gaaray sanka iyo gacanta bidix.

Waa markii labaad ee uu turunturoodo boqorka, iyadoo sanadii 2008 uu saanoo kale u kufay magaalada Barcelona, xili ay kusoo wada jeedeen kaamirooyinka wariyayaasha waxaana laxusayay sanadguuradii 50aad ee kasoo wareegtay doorka dhaqaalaha ee magaalada Barcelona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here