Boqorka Sacuudiga oo 30 Haween kusoo daray Golaha Shuurada

Boqorka Sacuudiga boqor C/laahi Bin Cabdi Casiis, ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu waxa uu golaha shuurada wadankaas kusoo daray 30 haween ah, taasoo hada ka dhigeeysa in haweenka wadankaas ay 20% qayb kayihiin siyaasada Sacuudiga.

Golaha shuurada Boqortooyada Sacuudiga oo hada ka kooban 150 xubnood ayaa 30 kamid ah waxay hada yihiin haween, kuwaasoo qayb ka qaadan doona jaangoynta Siyaasada iyo door fir fircoon.

Qaraarkan kasoo baxay boqorka Sacuudiga ayaa lagu sheegay in tirade haweenka ah ee lagu soo daray golaha Shuurada ay ku shaqayn doonaan qaabka shareecada Islaamka qabto.

Qaraarkan ayaa lagu sheegay “In haweenka loo samayn doono meelo qaas ah ay fariistaan, albaab ay kasoo galaan iyo mid ay ka baxaan..taasoo ka madax banana raga”.

Go’aanadan ugu danbeeyay ee kasoo baxay boqorka Sacuudiga, ayaa lagu sheegay ineey tahay isbadalo cusub uu la’imaanayo boqor C/laahi, kaasoo Carshiga ku fariistay Sanadkii 2005.

Boqor C/laahi ayaa 2011 ka dhawaajiyay in haweenka wadankaas ay ka qayb qaadan doonaan siyaasada, islamarkaasna loo ogolaan doono ineey isa soo sharaxaan ama wax doortaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here