Boqor Buur-Madow oo xabsiga la dhigey kadib markii uu ka soo degey garoonka dayuuradaha ee magaalada Hargeysa.

Wararka ka imanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in ciidamada amniga magaalada Hargeysa ay xabsiga u taxaabeen Boqor Buur-Madow kadib markii uu ka soo degey garoonka dayuuradaha ee magaalada Hargeysa.

Boqor Buur-Madow ayaa la sheegay in loo xirey sababo la xiriirta inuu ka soo horjeedsaday maamulka Somaliland waxaana xabsigiisa ka dambeeyey kadib markii maxkmad ku taal magaalada Hargeysa ay u jartay warqad lagu soo xirayo. waxana uu Boqor Buur-Madow hore uga dhaleeceeyey maamulka Somaliland warbaahinta.

Boqor Buur-Madow ayaa ka soo degey garoonka dayuuradaha ee magaalada Hargeysa waxana halkaas ku sugayay salaadiin iyo oday dhaqameedyo ka soo jeeda gobolada Waqooyi ee dalka Soomaaliya.

Salaadiinta Somaliland ayaa cambaareysey xariga loo geystey Boqor Buur-Madow waxana ay ku eedeeyeen maamulka Somaliland xarigga ay u gesyteen Boqorkan.

Sarkaal u hadlay maamulka Somaliland ayaa sheegay in Boqor Cismaan Ow-Maxamuud ayaa sheegay in maxkamad la soo taagi doono dhowaan si loogu qaado dambiyada lagu eedeynayo.

Boqor Cismaan Ow-Maxamuud Boqor Buur-Madow ayaan ahayn markii ugu horeysey ee xabsiga loo taxaabo iyadoo hore xukuumadda Somaliland ay xabsiga dhigtey.

Boqor Buur-Madow ayaa waxaa uu ka qeybgalay munaasabadii lagu boqrayay hogaamiyihii hore ee dalka Libya Mucammar Alqadafi isagoo markaa sheegtay inuu yahay Boqorka Boqorada Afrika.

 

 

2 COMMENTS

Comments are closed.