Boqor Buur-madoow Oo Xabsiga Laga Siidaayay

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in lasii daayay Boqor Buur-madow oo kaldhoweyd maxkamad kutaala magaalada Hargaysa ay ku Xukuntay halsano oo xarig ah.

Sii Deynta Boqor Buur-madoow ayaa timid kadib markii uu cafis ufidiyay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo.

Boqorka oo wareysi kooban siiyay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in laga siidaayo xabsiga islamarkaana uu umahadcelinayo cid walbo oo dadaal ka gaysatay sii deeyntiisa.

maxkamad kutaala magaalada Hargaysa ayaa dhowaan xabsi hal sano ah kuxukuntay Boqor Buur-madow waxaana lagu eedeeyay inuu aflagaado ugeystay madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo, waxaana xarigiisa dhaleeceeyay hay’adaha udooda xuquuqda aadanaha iyagoo ku baaqay in si degdeg ah loosii daayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here