Boqolaal Soomaali ah oo banaanbax cabasha ah ka dhigay gobolka Minnesota

Boqolaal ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ayaa Jimcihi mudaaharaad ay kaga cabanayaan xiritaanka Mareykanku ku sameeyey shirkadaha xawaaladaha ka dhigay halkaasi.

Shalay ayaa waxaa ku ekeyd waqtigi uu u qabtay bankiga Franklin xawaaladaha ku yaala magaalooyinka gobolka Minnesota oo ay Soomaalida ku badantahay inuu ku joojinayo howlaha, waxaana taasi ay caqabad ku noqon doontaa dadka Soomaaliyeed ee lacagaha biilka usoo diri jiray eheladooda oo ku nool dalka gudahiisa.

15 xawaaladood oo Soomaali ah ayaa joojiyey shaqadooda sababtoo ah waxaa amar la siiyey Bankiyada la isku yiraahdo kuwaasi oo xiray akoontiyada ay ku lahaayeen taasi oo ay ka danbeyso dowlada Mareykanka.

“Ma garan karo waxa aan sameeyo, aad ayaan u wareersanahay hooyadeed ayaan la hadlay iyada sidaasi oo kale ayey ugu wareersantahay halki aan lacagta ugu soo diri lahaa, runti aad ayaan oga xumahay,” sidaa waxaa yiri Abdirahim Hersi oo ah 27 kaasi oo bil walbaa u diri jiray  $500 hooyadiis, gabadhiisa iyo walaalihiis oo ku nool Xerada Qaxootiga Dadaab.

Hada waxaa dhamaad ah bisha December mana jirto meel uu ugu xawilo lacagtaasi biilka ah qoyskiisa.

Go,aankaan ayaa imaanaya todobaadyo kadib marki haweeneey Soomaalida gobolka Minnesota ka tirsan ay qiratay in ay lacago u diri jirtay ururka Al Shabab oo ay Mareykanka u aqoonsanyihiin argagixiso.

Banaanbaxi shalay ayey dadka Soomaaliyeed waxay ku muujinayeen sida ay uga xunyihiin, waxaana ay ku doonayaan inuu xal u noqdo in la xaliyo dhibaatada ay hada tabanayaan ee xeritaanka xawaaladaha si ay u helaan meel ay lacago ugu diraan dadkooda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. aad ayaan ugu jeclaan lahaa in aduunyadu adeento dhibatada haysata somalida, ay noo ogaladan in aan lacag u dirto waridkeen iyo walalaheen iyo carurteeda.

Comments are closed.