Boosaaso:Kooxo hubeysan oo xalay weeraray guriga wasiirka Amniga Puntland

Kooxo hubeysan islamarkaasna aan la ogayn Cida ay katirsanyihiin, ayaa xalay weerar ku qaaday Xabsiga dhexe iyo Hotel uu magaalada Boosaaso ku leeyahay wasiirka amniga maamul Goboleedka Puntland, Khaliif Ciise Mudan.

Dad goob joogayaal ahaa ayaa warbaahinta usheegay in khasaaraha weerarkaas kadhashay ilaa iyo hada uu yahay dhaawac soo gaaray mid kamid ah ilaalada Xabsiga, iyadoona kooxihii weerarka soo qaaday ay isaga baxsadeen goobta.

Dadka kunool magaalada Boosaaso ayaa saakay hadal haaya isna weydiinaya halka uu kayimid weerarka iyo cida soo qaaday, maamulka Puntland ilaa hada dhankooda wax war ah oo ku aadan dhacdadaas kama soo bixin.

Weerarka ayaa sida lasheegay socday mudo daqiiqado ah iyadoona ilaalada Xabsiga iyo Hotelka lasoo weeraray ay rasaas xoogan ku jawaabayeen.

Inkastoo ilaa iyo hadda aysan jirin koox si cad usheegtay masuuliyada weerarkas, ayaa hadana waxaa jiray in beryihii ugu danbeeyaybo qaybo kamid ah Puntland ay kajirtay qalqal Siyaasadeed oo ku aadan mudo kororsiga Madaxweyne Faroole, oo ay ka biyo diideen siyaasiyiinta iyo cuqaasha halkaas.

Sidoo kale waxaa jirta in kooxo katirsan Al-shabaab ay halkaas ku leeyihiin xaruumo milatari, gaar ahaan buuraha Gal-gala oo qiyaastii dhowr KM ujirta magaalada Boosaaso, kuwaasoo iyagana dhowr mar weeraro, qaraxyo iyo dilal labeegsaday Ciidamada iyo masuuliyiinta Puntland, waxaana ugu danbeeysay weerar habeen hore sidaanoo kale uga dhacay Koontaroolkalaga soo galo Boosaaso, waxaana masuuliyadisia sheegatay Al-shabaab.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here