Booqashadi xabsiga dhexe ee Muqdisho iyo raashinki loo keeni jiray maxaabiista oo la hakiyey

Taliyaha xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ka joojiyeen maxaabiista raashinki loogaga keeni jiray gurayhooda, sidoo kalana ay hakiyeen booqashadi ay dadka qaar ku tagi jireen xabsiga.

G/sare, Maxamed Xuseen Axmed, ayaa tilmaamay in go,aankaasi uu soo baxay marki 20-ki bishi April ee aanu kasoo gudubnay ay ka dhacday xabsiga shaqaaqo sababtay in qaar ka mid ah maxaabiista ay dhintaan qaar kalana dhaawacmaan taasi oo ka danbeysay isku ay maxaabiista ku baxsan rabtay.

“20-ki bishi hore waxaa xabsiga ka dhacay isku day baxsad ah waana lagu guuleystay in la fashiliyo, ciidanka waxaan ku amarnay xiligaasi in ay xabada kor ugu ridaan si aanay wax dhimasha ah u dhicin, laakin qaar ayaa dhaawacantay oo ahaa 14 maxbuus oo intooda badan rasaasta ka haleeshay lugaha, mid ka mid ah ayaa u dhintay dhaawac,” ayuu yiri Mr Maxamed.

Waxa uu sheegay in hal maalin oo kaliyah ay fursad u heystaan waalidiinta iyo asxaabta booqda dadkooda ku xiran xabsiga, balse waxa uu rajo ka muujiyey in booqshada ay dib u bilaaban doonto marka xaalada ay caadi kusoo laabato.

“Xabsiga awal waa lasoo booqan jiray laakin haatan waan nasinay waayo waxaan wadnaa baaritaano ah ku aadan maxaabiisti ka danbeysay isku dayga iyo kuwi aanan lugta ku laheyn, maalinta Arabacada kaliyah ayaan hada ogolnahay in hooyooyinka iyo waalidiinta ay xabsiga soo booqdaan ubadkooda sababo xaga amaanka ah,” ayuu yiri taliyaha.

Ugu danbeyntii wuxuu sheegay taliyahah in xabsiga laga bilaabay in raashin lagu kariyo taasi oo sadexda waqti la siinayo dhamaan maxaabiista ku xiran xabsiga.

“Maxaabiista waxa weeyaan 850, xabsiga tiradiisa way xirmeysaa marna way badaneysaa waayo qaar baa lasoo daayaa qaarna waa la keenaa, raashinkooda wuu wanaagsan yahay sadexda waqti ayeyna helaan, subaxdi rooti ayaan siinaa, duhurti baasto ayaan u karinaa habeenkiina cambuulo,”

Waxaa jira warar sheegaya in qaar ka mid ah maxaabiista xabsiga ay ka baxsadeen kadib marki ay weerar ku qaadeen halkaasi ciidamo milatari ah oo u abaabulnaa hab qabiil kuwaasi oo la baxay sadex nin.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.