Booliska dalka norway ayaa baaritaano culus ku haya gabar yar sideed jir somali ah oo dhawaan lagu kufsaday xaafada toyen ee Caasimad Oslo,
gabadhan sideed jirka ayaa falkaas lagula kacay Xili ay ka soo timid school ay dhiganaysay waxaana lagu xaraystay guri aan sidaa uga sii fogayn iskuulkeeda,
Hooyada dhashay gabadhan yarta ah ayaa sheegtay in ay ka war heshay in gabdheedii yarayd lagu xaraystay guri u dhaw iskuulka ay dhiganaysay isla markiina ay si deg deg ah u aaday meeshii kadibna ay aragtay gabadheedii oo ka soo baxaysa guri xaaladeedana aysan wanaagsanayn waxayna isla markiiba wargalisay xarunta boliska degmadaas ,
Waxaan isla mar ahaantii soo gaaray meesha uu falku ka dhacay askarta boliska iyadoo ay baaritaan ka sameeyeen guriga la rumaysan yahay in gabadha yarta ah lala galay ,
Xaalada caafimaad Ee gabadha ayaa hada lagu dabiibayaa isbitaal ku yaala magaalada oslo walina laguma guulaysan in gacanta lagu soo dhigo cidii rasmiyan ka danbaysay falkaas waloow ay jiraan tuhuno iyo baaritaan Wali ku socda guriga uu falkaas ka dhacay,
Dhacdadan foosha xun ayaa waxaa si aad ah uga xumaaday waalidiint somaaliyeed ee iyaku ubadkooda iskuulada u dhigtaan ,
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.