Booliska oo xalay howlgalo ka sameeyay Muqdisho

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo 22 sano kadib soo nooleeyay 888
Taliska Booliska Soomaaliyeed oo 22 sano kadib soo nooleeyay 888

Ciidamada Booliska ayaa xalay Howlgalo lagu sugayo amaanka ka sameeyay Magaalada Muqdisho.

Howlgalkan oo ay si wadajir ah u fulinayeen Booliiska dowlada iyo kan AMISOM islamarkaana ay horkacayeen saraakiisha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xalay laga sameeyay isgoysyada magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliye G/Dhexe Qaasin ayaa Radio Muqdisho u sheegay in howlgalkaasi lagu xaqiijinayay ammaanka caasimada dalka ee Muqdisho.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa xusay in howlgalka lagu soo qabtay dad la rumeysanyahay iney ku lug leeyihiin falal amnidarro ah iyo hub kala duwan.

Ugu dambeyntii Afhayeenka ayaa hoosta ka xariiqay in howlgalkani uu sii socon doono tan iyo inta laga xaqiijinayo amaanka caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here