Booliska oo ku toogtay Nairobi nin loo maleynayo inuu argagixiso yahay

Sida uu qoray mid ka mid ah wargaysyada dalka Kenya, waxaa shaley magaalada Nairobi booliska Kenya ay ku toogteen  nin la rumeysan yahay inuu ka tirsan Xarakada Al-Shabaab, kaas oo habeenkii Axadda bambo ku tuuray dad lugeynayay, isagoo dhaawacay afar qof oo rayid ah.

Ninka waxaa lagu dilay howlgal shaley ay sameeyeen ciidan ka tirsan waaxda la dagaallanka argagaxisada gurigiisa oo ku yaalla Section Three.

Howgalka ninkan lagu dilay ayaa waxaa kaloo lagu soo qabtay bastoolad laga helayboorso u taallay guriga.

Madaxa booliska Nairobi Benson Kibui ayaa sheegay in lagu soo wargeliyay in ninka uu ku dhuumaaleysanayo guriga ka hor intaan la weerarin.

“Waa ninkii tuuray bambada lagu dhaawacay dadkii rayid ahaa habeenkii Axadda. Weli waxaan baaritaan ku haynaa gurigiisa,” ayuu yiri Benson oo khadka taleefoonka kula hadlay wargeyska The Standard Media.

Tirada dadkii ku dhaawacmay weerarka bambaada oo ka dhacay xaafadda Majengo ayaa gaartay afar qof.

Booliska ayaa horey ugu eedeeyay weerarro bambooyin loo adeegsaday oo ka dhacay qeybo ka mid ah Kenya inay ka dambeeyeen taageerayaasha ama xubno ka tirsan kooxda al-Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya.

Ciidanka Kenya ayaa weeraray koonfurta Soomaaliya 2011 si ay ula dagaallmaan Al-Shabaab, waxayna haatan ku biireen ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Weerarka Kenya ay ku qaadday Soomaaliya ayaa ka careysiiyay kooxda al-Shabaab oo falal aargoosi ah ka fulisay gudaha Kenya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here