Booliska Manchester Oo Ka Helay Baar Uu Leeyahay Rio Ferdinand 29 Jawaan Oo Daroogo Ah.

Cunto kariye ka shaqeynayay baar uu ku leeyahay magaalada Manchester daafaca kooxda Man United Rio Ferdinand ayaa la xirey kadib markii booliska ay ka heleen baqaar ku yaal baarkaas illaa 29 jawaan oo nooc ka mid ah daroogada oo la yiraahdo cannabis.

Cunto kariyahan oo la sheegay in uu yahay 55jir ayaa booliska qabteenkadib markii ay tageen Baarka la yiraahdo Rosso ee uu leeyahay daafaca Man United ee Ferdinand.

Wararku waxa ay sheegayaan in saddex sarkaal ay timid baarka gelinkii dambe ee jimcihii ayna baareen baqaar uu ku lahaa cunto kariyaha baarka kadib markii ay tageen guriga uu degenaa.

           Baarka Rosso ee uu leeyahay daafaca kooxda United ee Ferdinand

David Beckham ayaa la sawiray isagoo ka sii baxaya baarkaas kadib markii ay wada qadeeyeen Gary Neville kahor ciyaartii derbiga ahayd ee labada Manchester.

Inkastoo ay yihiin kuwo ciyaarta isaga soo horjeeda ayaa hase ahaatee bishii July waxaa la arkay daafaca Man City Joleon Lescott oo ka sii baxaya baarka Rosso.

Cunto kariyahan la xirey ayaa lagu tuhmay in uu haystay daroogadan isla markaana uu doonayay inuu sii qeybiyo kamana shaqeeyneyn xilligaas la qabanayay baarka Rosso.

Wararka waxa ay intaa ku darayaan in Ferdinand uusan ogeyn in daroogada lagu qarinayay baarkiisa, waxayna booliska tageen baarka iyagoo wata warqad lagu soo xirayo cunto kariyaha oo kaliya.

      

Beckham oo ka baxaya Bar Rosso                       Lescott oo ka sii baxaya Bar Rosso

Daroogadan oo la sheegay in ay tahay heerka C ayaa lagu qarinayay baqaar ku yiil baarka waxaana uu ka tegey cunto kariyaha baarka inta aysan boolisku bilaabin baaritaanka.

Baarka lagu magacaabo

Rosso ayaa ah mid caan ku ah ciyaartoyda ka ciyaarta horyaalka Ingiriiska.

Sanadkii hore ayaa kooxda Manchester United marka ay ku guuleysatay koobka Premier League waxa ay xaflad ku qabatay baarkaas lagu magacaabo Rosso oo uu leeyahay daafaca kooxda Man United Rio Ferdinand.

Illaa iyo hadda ma sheegin booliska in wax lug ah uu ku yeelan doono milkiilaha baarka daroogada laga helay baqaar kamid ah baarkiisa.