Booliska Malaysia oo xiray nin looga shakisan yahay Shabaab

Wakaaladda wararka AP, ayaa qortay Jimcaha maanta ah in dalka Malaysia lagu xiray ruux looga shakisan yahay in uu xiriir la lee yahay kooxda Shabaab ee dalka Soomaaliya.

Qoraal ay soo saarayn booliska, ayaa lagu sheegay in ninkan oo ka yimid bariga Afrika lagu xiray deegan u dhow magaalada caasimada ee Kuala Lumpur.

Wax faah-faahin ah lagama bixin marka laga reebo in uu yahay 34-jir, magaciisana lama sheegin, laakin waxaa lee yahay waxaa dabajoogaya booliska caalamiga ee Interpol.

Ma cadda in la musaafirin doono ama in lagu siin heyn doono dalka Malaysia.

“Booliska ayaa baaraya ninka xiriirka la leh Al-Shabaab kaasoo si nabadgalyo leh lagu qabtay gudaha dalka Malaysia,” ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay booliska.

Ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa la aaminsan yahay in ay xiriir la sameenayaan kooxaha kale ee Al-Qaacida ka joogta aasiya.

Bishii la soo dhaafay, ayaa booliska Malaysia waxa ay xireyn 11 qof oo la sheegay in ay xiriir la lee yihiin shabakado argagixiso oo ka dhisan dalkaas.