Booliska Kenya oo xiray nin Swedish ah oo lala xiriinayo Al Shabaab

Booliska dalka Kenya ayaa xiray nin u dhashay dalka Sweden oo loogaga shakinsanyahay inuu ka tirsanaa Al Shabaab ama uu doonayey inuu ku biiro.

Howlgal ay ka sameeyeen ciidanka booliska ee lidka ku ah argagixisada xaafada  Eastleigh ayey ku qabteen ninkan oo lagu magacaabo Magd Najjar kaasi oo haatan su,aalooyin la weydiinayo sida uu sheegay afhayeenka booliska Kenya Eric Kiraithe.

Sarkaalkaan ayaa sheegay in Najjar uu la socday nin Jarmal ah oo lagu magacaabo Ahmed Khaled Mueller oo ay si aad ah u doon doonayaan booliska Kenya kadib marki la sheegay inuu si toos ah uga tirsanyahay Al Shabaab.

Ninkan Swedish-ka ah ayaa waxa haatan lagu eedeynayaa inuu si sharci daro ah kusoo galay Kenya, waxaana maxkmada lagu wadaa in ay ganaaxdo ka hor inta aanan dib loogu masaafurin dalkiisa.

Dokumiintiyada uu ku galay Kenya ayaa muujiyey inuu tagay Kenya bishi February 23, 2011, waxa dal ku galka uu ka dhacay 30-ki bishi lasoo dhaafay ee April.

Afhayeenka booliska Kenya Kiraithe ayaa dhanka kale sheegay in ay wali baadigoobayaan nin u dhashay dalka Jarmalka oo loogaga shakisanyahay inuu ka tirsanyahay Al Shabaab oo magacyo kala duwan ku adeegsanayo dalka.

Magacyada ayaa waxaa ka mid ah Andreas Martin Muller,  Ahmed Khaled Mueller  iyo Abu Nusaibah.

Kenya ayaa ka walaacsan dadka ajnabiga ah ee kusoo kordhaya kuwaasi oo u imaanaya sidi ay ugu talaabi lahaayeen dalka Soomaali, isla markaana ugu biiri lahaayeen Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.