Booliska Kenya oo xiray nin lalal xiriirinayo qaraxi Mambasa

Booliska Kenya ayaa xiray nin loogaga shakisanyahay inuu lug ku lahaa weerar dhimasho sababay oo xalay lagu qaaday goob lagu caweeyo oo ku taala magaalada Mombasa.

Ninkan ayaa ka mid ah shan ruux oo ku dhaawacantay qarax ka dhacay xarunta la beegsaday kaasi oo ahaa bam lagu soo turay sida ay sheegeen ciidamada booliska oo ka warbixiyey kiiskan.

“Qofka aan uga tuhansanahay wuxuu ka mid yahay kuwa dhaawaca ah, haatan waxaa ilaalo ka haya booliska oo in muda ahba dabagal ku hayey, waxaan kale oo aan uga shakisanahay inuu lug ku lahaa weeraro kale,” sidaa waxaa yiri sarkaal ka tirsan booliska oo lagu magacaabo¬† Mathew Iteere.

Weerarki xalay oo uu dhintay hal ruux, shan kalana ku dhaawacmeen ayaaney jirin cid sheegatay mas.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.