Booliska Kenya oo sheegay in Alshabaab ay ku dileen gudaha dalkeeda 30 ruux oo Kenyan ah.

Afhayeenka ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in muwaadiniin Kenyan oo tiradoodu uu ku sheegay illaa 30 ruux ay ururka Alshabaab ku dileen gudaha dalka Kenya tan iyo markii ay ciidamada Kenya gudaha u soo galeen dalka Somaliya bishii Oktober ee sanadkii la soo dhaafay.

Eric Kiraithe ayaa sheegey in dadkan ay dileen dad taageersan Alshabaab ayna dilalka badankood ay ka dhaceen deegaanada u dhow xadka kala qeybiya labada dal ee Kenya iyo Somaliya.

Afhayeenka ayaa qirey in dhalinyaro muwaadiniin Kenyan ah ay kamid noqdeen ururka Alshabaab oo haatan sheegay inay la midoobeen ururka Alqacida.

Nin Kenyan ah oo qirtey inuu ka mid yahay Alshabaab ayaa xabsi daa’in lagu xukumay dhamaadkii bishii Oktober kadib markii uu qirtey in uu ku tuuray bambaano goob laga raaco basaska oo dad badan ay joogeen hal ruuxna uu ku geeriyooday magaalada Nairobi dalka Kenya.

Dowlada Kenya ayaa waxa ay ku eedeysay ururka Alshabaab inuu ka dambeeyey afduubyo ka dhacay dalka Kenya gaar ahaan afar ruux oo reer Yurub ahaa oo lagu afduubtay dalka Kenya.

Afhayeenka Milatariga Kenya Col Cyrus Oguna ayaa isaguna sheegay in dowlada Kenya ay wadahadalo kula jirto hogaamiyaal diineed muhiim ah iyo hogaamiyaasha bulshada sidii ay gacan uga geysan lahaayeen sii deynta illaa toban ruux oo muwaadiniin Kenyan ah oo ayna gacanta ku hayaan ururka Alshabaab.

Afhayeenka ayaa sheegay in ay howlgalada ciidamada Kenya ay ka wadaan gudaha dalka Somaliya ay ciidamadoodu gudaha u galeen illaa 68mile ama 110km.

Afhayeenku waxa uu sheegay in tan iyo markii howlgaladu ay bilaabeen ciidamada Kenya ay kaga dhinteen illaa toban askari tiro kalana ay kaga dhaawacmeen dagaalo ku dhex maray gudaha dalka Soomaaliya ciidamada Kenya iyo kuwa Alshabaab.