Booliska Kenya oo La Wareegay Sugidda Amaanka Qoyska Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya oo ku Nool Nairobi

Sida ay soo sheegayaan wararka aynu ka helayno magaalada Nairoobi ee xarunta dalka Kenya Ciidamada Booliska dalkaasi ayaa la wareegay sugidda amaanka reerka Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kaasoo xala ku guuleystay doorashadii Muqdisho ka dhacday.

Prof. Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya waa laba xaasle mid ka mid ahna waxaa ay degantahay magaalada Nairoobi gaar ahaana xaafada South C,waxaana xalay xaafada uu deganaa reerka Madaxweynaha yimid oo la wareegay amaankooda Ciidamo boolis ah oo Kenyaan ah.

Ciidamada Kenya ayaa caruurta iyo xaaska Madaxweyne Xasan Sheekh ka waday halkii ay deganaayeen waxaana ay u rareen dhanka Madaxtooyada dalka Kenya ee isla Nairoobi.

Caruurta iyo Xaaska labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa ay ku nool yihiin magaalada Muqdisho ee xarunta dalka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here