Booliska Kenya oo ku wareeray sababaha qarax maanta ruxay Nairobi

Booliska dalka Kenya ayaa ku wareeray wixi dhaliyey qarax weyn oo maanta gil gilay magaalada caasimada ah ee Nairobi, kaasi oo marna la sheegay inuu dhaliyey cilad koronto marna qarax.

Hase yeeshee war rasmi ah oo kasoo baxay ciidanka amaanka iyo Ra’isulwasaaraha ayaa lagu xaqiijiyey in qaraxa uu sababay bam balse aysan keenin cilad dhanka korontada ah.

Qaraxa ayaa laba u kala dhigay xarun laga tukaameysto oo lagu magacaabo Moi Avenue xiligii qadada, waxaana ku dhaawacmay 28 ruux oo qaarkood qaba dhaawacyo halis ah.

Goobjooge ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay boorso loogaga tagay gadaasheeda waxyar ka hor qaraxa, halka qof kale oo tilmaamay in qofka boorsada ka tagay uu ahaa nin gadh leh.

Ra’isulwasaare Raila Odinga ayaa sheegay in qaraxa ay ka danbeeyeen kooxo uu ku tilmaamay argagixiso, hase yeeshee wali ma jirto cid sheegatay in ay leedahay mas,uuliyada.

Waxa jiray weeraro qarax oo horay loogu qaaday Kenya kuwaasi oo ay sheegteen Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.